Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Boqol Gabdhood Oo Ku Dhibaateysnaa Sudan Dib Usoo Celiyey
Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhameystiray qorshihiisii socdaal ee uu ku tegay dalka Sudan, kaasoo Addis Ababa uu ku soo celiyey tiro ka badan boqol Gabdhood oo ku dhibaateysnaa dalka Sudan.
Kuwa dalka Itoobiya lagu soo celiyey ayaa waxa ku jira xubno dhawaan laga soo daayey xabsiga dalka Sudan, halkaas oo qaar ka mid ahi ay xidhnaayeen muddo ka badan 20 sanadood, sida ay warbaahintu ku warrameyso.
Waxaana dadkani ay sheegeen in dambiyo kala duwan ay ugu xidhnaayeen xabsiyadaasi ku yaalla dalka Sudan.
Tallaabadan oo hay’adda xuquuqal Insaanka ee Human Rights Watch ay warbixin ka soo saartay maalintii khamiistii ayaa sheegtay in Tahriibayaasha Itoobiyaanka ah ay dhimasho ka soo gaadho inta ay ku jiraan socdaalka dhulka iyo badda ee ay ku doonayaan inay shaqo kaga raadsadaan dalka Sucuudi Carabiya, oo tiro badan dib loo soo celiyo iyaga oo faro-madhnaan jooga.
Waxaana warbixintu ay intaasi ku dartay in markii la wareystay Tahriibayaasha dib loogu soo celiyey Addis Ababa ee laga soo celiyey dalka Sucuudiga ay sheegeen in ay la kulmeen gabood falo ay kala kulmeen mukhalasiintii tahriibinaysay intii ay ka gudbinayeen Badda Cas ee ay gaadhayeen gacanka Carabta.
Hase yeeshee, qaar badan oo Itoobiyaan ah ayaa ka fal celiyey hawlgalkan Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed uu ku soo celinayo dadka Ethiopian-ka ah ee ku dhibaataysan xabsiyada dalka Suudaan, kuwaas oo hawlgalkaasi Raysal Wasaaraha ku tilmaamay mid guul ah, waxaanay ku booriyeen in shaqo loo abuuro dadkaasi dalka shaqo la’aanta uga carraraya.
Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaal Afrikan ah oo socdaal ku tagay Khartoum si ay markhaati uga noqdaan Heshiis Taariikhiya oo ay kala saxeexanayaan Xoogagii doonayey Isbeddelka iyo Xornimada Sudan ee Rayidka ahaa iyo Golaha Milatariga ee dalka Sudan oo maanta heshiis kala saxeexday.