Israel Oo ka Digtay In Hoggaamiyaha Xisbiga Labour-ka Loo Doorto R/Wasaaraha UK.

Wasiirka Arrimaha dibedda Israel ayaa maanta uga digay bulshada UK inay doortaan hoggaamiyaha xisbiga Labour-ka ee Britain Jeremy Corbyn,isagoo ku eedeeyay cunsuri ay ka muuqato Yahuud nacayb, waxuuna u rajeeyay inuu guul-daro kala kulmo doorashada toddobaadka xiga ka dhaceysa UK.

 

Hogaamiyayaasha Israel ayaa dhowaanahan ka hadlayey doorashada Britain,kuwaasoo walaac ka muujiyay in Corbyn loo doorto ra’iisul wasaare, iyadoo dhinaca kale ay dadka Yahuuda ee ku dhaqan UK qaarkood ay sheegeen inay ka haajirayaan UK, haddii uu doorashada ku guuleysto.

 

Wasiirka Arrimaha dibedda, Israel Katz ayaa hadalkan maanta ka sheegay Raadiyaha ciidamada Israel, isagoo xusay in Israel aysan faro-gelin doonin doorashada dal kale, balse shakhsiyan uu rajeynayo in Corbyn aan la dooran.

 

Xisbiga Labour-ka ayaana weli ka jawaabin hadalka Israel, balse waxaa xusid mudan in hogaamiyahooda Corbyn uu marar badan iska fogeeyay eedeymaha ah inuu neceb yahay Yahuudda.

 

Katz ayaa si kastaba hoos u dhigay suurta-galnimada in haddii la doorto Corbyn uu hoos u dhici doono xiriirka amni ee Britain iyo Israel, oo ay ku jirto inay wadaagaan sirdoonada la xiriira dhaq-dhaqaaqyada kooxaha Islaamiyiinta.

“Hoggaamiyayaasha dantooda gaarka ah darteed uma waxyeeleeyaan dalkooda, balse waan ka wada hadli doonnaa taas.”ayuu hadalkiisii kusoo afmeeray wasiirka arimaha dibada Israaiil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker