Mudaaharaadyado ka dhan ah madaxweynaha oo ka dhacay Masar

Ku dhawaad ​​400 oo qof oo ku nool Masar ayaa loo xiray “dhacdooyin rabshado ah” ka dib markii madaxweyne Abdul Fattah al-Sisi uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad u tartami doono doorashada, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Hadalka madaxweyne Sisi ee salaasadii ayaa dhaliyay isu soobax naadir ah oo ay dadweynaha ku muujinayay caradoda hadalka madaxweynaha – muuqaallo baraha bulshada qabsaday ayaa muujinaya mudaaharaadyo ka dhacay waqooyiga-galbeed ee magaalada Marsa Matrouh.

Muuqaalkan, ayaa waxaa la maqlayaa dad ku qeylinaya “Sisi out” oo ku baaqaya in uu burburo maamulkiisa muddada tobanka sano ah. Muuqaalo kale ayaa muujinayay isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaasha iyo booliiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker