Madaxweyne Mustafa Cagjar Oo Maanta Loo Doortay Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Itoobiya

Baarlamaanka gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta madaxweyne u doortay Mustafa Muxumed Cumar inuu xilka hayo muddada shanta sano ee soo socota.

Mustafa Muxumd Cumar ayaa sannidhii lasoo dhaafay sharci ahaan soo ahaa madaxweyne ku-xigeen. Hase yeeshee xisbiga uu ka tirsan yahay ee Barwaaqo ayaa ku guulaystay doorashadii bishii hore ka dhacday degaanka Soomaalida.

Dhinaca kalena, isla baarlamaanka gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale maanta afhayeen u doortay Ayaan Cabdi oo noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee hoggaamisa baarlamaanka gobolkaas.

Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegayaa inuu yahay gobolka ugu nabad-gelyada badan dalka Itoobiya xilligan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker