Dawladda Shiinaha Oo Cunaqabatayn Kusoo Rogay Masuuliyiin Maraykan ah

Shiinaha ayaa cunaqabatayn ku soo rogay hay’ado iyo mas’uuliyiin dhowr ah oo Maraykan ah, maalmo uun ka hor booqasho ay dalkaas ku tagi lahayd haweenayda ah ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda, Wendy Sherman.

 

Dadka cunaqabatayntaan la saaray ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee Ganacsiga Maraykanka, Wilbur Ross. toddobaadkii horena xukuumadda Washington ayaa dhankeeda cunaqabatayn ku soo rogtay masuuliyiin sar sare oo shiinays ah kana hawlgala Hong Kong sababo la xiriira cadaadis la sheegay in ay ku hayaan shacabka Hong Kong.

 

Haddaba tallaabadan uu Shiinuhu qaaday? arrimahaas ayaan ka waraysannay Axmed Faarax Iidle (axmed Zaki) oo bare ah Jaamacad ku taal magaalada Islaam Abad ee dalka Pakistan.

 

Cunaqabateynta Mareykanka ee saraakiishii Shiinaha ee Hong Kong waxay sabab u ahayd kaalintii ay ku lahaayeen xasilinta amniga ee dhulka.

 

Washington waxay sidoo kale uga digtay ganacsatadeeda halista sii kordheysa ee ka shaqeynta Hong Kong.

 

Shiinaha ayaa magaalada Hong Kong ku soo bandhigay Sharciga Amniga Qaranka sanadkii hore si uu uga jawaabo mudaaharaadyo waaweyn oo dimoqraadiyad doon ah.

 

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa Jimcihii sheegtay in cunaqabateyntii ugu dambeysay ee Mareykanka loo qorsheeyay in “si macno darro ah oo loo sumeeyo jawiga ganacsiga ee Hong Kong” ayna “si ba’an u jebinayso sharciga caalamiga ah iyo xeerarka aasaasiga ah ee xukumaya xiriirka caalamiga ah”. Waxay sheegtay inay cunaqabateyn saari doonto toddobo shaqsi iyo hay’ado Mareykan ah oo uu ku jiro Mr Ross.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker