Qarax dadku dhinteen oo ka dhacay Caasimadda.Ethiopia ee Addis Ababa

 

Ugu yaraan Saddex qof ayaa ku dhimatay qaar kalena wey ku dhaawacmeen markii bam meel la dhigay uu ku qarxay caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa maanta.

 

Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka Lideta oo u dhow badhtamaha caasimadda, sida ay ku warameyso Wakaaladda Wararka ee dowladdu.

 

“Baadhitaan la xidhiidha qaraxa ayaa socda, shacabkana waa lala wadaagi doonaa marka uu baadhitaanku dhamaado,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan laamaha amaanka Itoobiya.

 

Qaraxa ayaa ku soo aaday xilli gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi muddo lix toddobaad ah ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ururla TPLF, inkastoo aysan jirin calaamado tilmaamaya xidhiidh  ka dhexeeyey labada xaaladood.

 

Tan iyo markii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay 4-tii November duullaanka ku qaadday gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, waxaa jiray dhowr qarax oo yar yar oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker