Maayarka Gabiley Oo Lagu Eedeeyey Musuq Milyan Dollar Ah

Aqlabiyadda Golaha Deegaanka Gabiley ayaa qorsheeyay inay Xilka ka xayuubiyaan Maayarka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar, kaasi oo la sheegay inuu lunsaday lacag badan oo bulshada loogu adeegi lahaa.

Siyaasi Xamse khayre oo ka mid ah Saraakiisha sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ka hadlay arintani ayaa sheegay in Maayarka Gabiley qirsan yahay qayb ka mid ah lacagtaasi inay gacantiisa ku baxday. Waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddu hortaagan tahay inay Golaha Deegaanka Gabiley shaqadooda qabsadaan.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Dhacdooyinkan bal eeg…. 05-10-2021 Xildhibaanadda aqlabiyadda Degmadda Gabiley ayaa keenay mooshin Xil-ka-qaadis maayarka kaas oo sida sharcigu yahay ay u gudbiyeen duqa degmada, badhasaabka & wasiirka arimaha gudaha. Eedda ayaa ah in uu jiro musuq hanti cashuur umadeed la lunsaday oo ku dhow 1 milyan oo doolar.

08-10-2021 Waxaa dhamaaday saddexdii maalmood ee sharciyan ay ahayd in kal-fadhi aan caadi ahayn uu ku qabto maayarku ee ay Xildhibaanada aqlabiyadda Goluhu mooshinka xil ka qaadista ku soo gudbiyeen. Waxaa bilaabmay 5 maalmood oo ay tahay badhasaabku gobolku ku qabto kal-fadhiga.

11-10-2021 Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex ayaa soo saaray waraaq u hudheeladda magaalada Hargeyso ku wargelinayo in asn shir-beeleed lagu qaban karin. 12-10-2021 Wasiirka Arimaha Gudaha , Midane Maxamed Kaahin, ayaa shir-beeleed ku qabsaday Huteel Guuleed Hargeysa.

13-10-2021 Waxaa dhamaaday 5-tii maalmoos ee badhasaabka Gabiley sharciyan ku qaban lahaa Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee mooshinka Xil-ka-qaadista maayarka. Waxay xildhibaanada aqlabiyaddu soo saareen qoraal ay leeyihiin waxaanu qaadaynaa talaabo sharciga waafaqsan.

13-10-2021 Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed kaahin ayaa soo saaray waraaq uu leeyahay waxaan madnuucay in kalfadhi ay yeeshaan dhamaan goleyaasha deeganka dalku isagoo sheegay Goleyaasha deegaanka qaarkood ay bilaabeen abaabul kicin dad wayne oo qabyaalad salka ku haya. Wasiirku arinkan oo aanu awood u lahayn ayuu ku duudsiyayaa xaqa sharcigu u sugay mudanayaal la soo doortay oo kalsooni dadwayne ku jooga.

Faalladayda: Marka hore wasiirku awood uma laha inuu joojiyo kal fadhiga aan caadig ahayn. Mar labaadka, haddii isaguba baal maray wareegtadii badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo shir beeleed qabsaday, ma joojin karo shirka sharciga ah e Gole deegaan oo la soo doortay.

Waxaa kale oo la yaab leh in Wasiirka uu go’aanka sharci darrada ah ee uu soo saaray u ku sheegay in qabyaalad ay waddaan goleyaasha deegaanka qaarkood. Eeddan oo aan waxba jirin oo lagu daminayo kiiska musuqa hantidda umadda. Waxaan se waydiin lahaa shirkii uu Xalay Guuleed Hoteel ku qabsaday ma shir qaran buu ahaa ? Ugu dambayntii dadwaynaha reer Gabiley waxay diyaar u yihiin iney garab istaagaan Xildhibaanada ay soo doorteen ee u halgamaya dawladda-wanaaga iyo isla xisaabtanka. Xaaladda khilaafka golaha Deegaanka Degmada Gabilay ayaa muddoba taagan iyada oo laba loo kala fadhiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker