Gacan Kahadal Dhexmartay Daraawal Soomaali ah iyo mid kamida Taksileyda Wadaniga South African-ka

Isku dhac ka bilowday Daraawal Soomaali ah iyo mid kamida Taksileyda Wadaniga South African-ka, oo ka dhacay Xaafadda Soomaalida ku badan tahay Korston ee Port Elizabeth, ayaa khasaare Malaayiin ah dhaliyey, iyadoo 12-Gaadhi laga gubay South African-ka, halka Labo Gaadhi laga gubay Soomaalida.

Deeq ilkacase oo kamida Daraawalada Uber Taxis, ayaa si kama ah ugu dhacay Gaadhi Caasi ah, oo uu Haadka ka jabiyey, taasoo dhalisay in Wadihii Caasiga uu isna Gaariga ka jabiyo Soomaaligii, waxaana halkaasi ka dhashay gacan ka hadal toosa oo sababay in Daraawalkii Caasiga waday la daqro islamarkaana uu gurmad u yeerto, halka Soomaali kale oo badana ay garab istaag u muujiyeen Wiilka Soomaaliyeed.

“Caasiley Baangado ku hubaysan, ayaa yimid oo isku dayey wiilka inay dilaan, balse Soomaali badan oo halkaasi joogtay ayaa u hiilisay oo Dhagaxeeyey wayna carareen… iyagoo sii gubay Gaari yar kaloo Bakar la dhaho uu lahaa iyagana 12 Baabuur ayaa laga gubay…Xaaladdana aad ayey u qasan tahay walow ay hadda Boolis imaadeen” ayuu yidhi Soomaali ku sugan halka ay mashaqadu ka taagan tahay Korston ee P.E.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker