Israel oo ugu baaqday dhammaan rayidka inay ka baxaan Magaalada Gaza

Militariga Israel ayaa Jimcihii ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Magaalada Gaza, oo gaaraya in ka badan 1 milyan, inay 24 saac ugu guuraan koonfurta, xilli ay taankiyo soo dhoobtay meel u dhow Marinka Gaza.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan howlgal dhulka ah oo ay ku qabsanayaan magaalada.

“Hadda waa xilligii dagaalka,” waxaa sidaas Khamiistii yiri wasiirka difaaca Yoav Gallant, xilli diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeynayaan Gaza, ayaga oo sheegaya inay ka aargudanayaan weerarkii ay kooxda Xamas Sabtidii tagtay ku qaaday Israel.

Militariga Israel ayaa sheegay inay ka howlgali doonaan magaalada Gaza, maalmaha soo socda, islamarkaana shacabka ay awoodi doonaan kaliya inay magaalada kusoo laabtaan marka loo sheego.

Bayaan uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiin Twitter, ayaa afhayeenka Ciidamada Israel Jonathan Conricus wuxuu ku yiri “IDF waxay ku baaqeysaa in dhammaan dadka rayidka ah laga saaro magaalada Gaza iyo guryahooda dhanka koonfureed, si ay u badbaadiyaan naftooda, una guuraan aagga koonfureed ee waadiga Gaza, iyo webiga Gaza.”

“Waxaad awoodi doontaan inaad kusoo laabataan magaalada Gaza kaliya marka ogeysiis kale oo fasaxaya la sameeyo. Ha u dhowaanina aagga xayndaabka ammaanka ee dawladda Israel,” ayuu yiri.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan suurta-gal aheyn in tallaabo noocaas ah ay dhacdo “ayada oo aysan ka dhalan cawaaqbin bani’aadannimo oo burbur leh.”

“Qaramada Midoobay waxay si adag u codsanaysaa amar kasta oo noocaas ah, haddii la xaqiijiyo, in la laalo iyada oo laga fogaanayo wax xaalad musiibo ah u beddeli kara xaalad markii horeba silac aheyd,” waxaa sidaas yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

Safiirka Israel ee QM, Gilad Erdan ayaa jawaabta QM ee digniinta Israel ay siisay dadka degan Gaza ku qeexay “mid ceeb ah.”

Sarkaal ka tirsan Xamas ayaa sheegay in digniinta la xiriirta Gaza ay tahay “dacaayad been abuur ah,” waxaana uu shacabka ugu baaqay inaysan ku kadsoomin.

Israel ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamas oo hogaaminaysay weeraradii Sabtidii, balse duulaanka dhulka ee Gaza ayaa keenaya khatar wayn, iyadoo Xamas ay haysato la-haystayaal badan oo lagu qafaashay weerarka.

Warbaahinta dadweynaha Israel ee KAN ayaa sheegtay in dhimashada Israel ay kor u dhaaftay 1,300 oo qof. Maamulka Gaza ayaa sheegay in la dilay in ka badan 1,500 oo Falastiiniyiin ah.

Israel ayaa go’doomisay Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof.

Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in shidaalka matoorada degdega ah Isbitaallada Gaza ay ku dhammaan karaan saacado gudahood, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP ay ka digtay in cuntada iyo biyaha nadiifka ah ay aad u hooseeyaan.

“Dhibaatada bani’aadannimo ee ka dhalatay xiisaddan kasii dareysa waa wax laga naxo, waxaana ka codsanayaa dhinacyada inay yareeyaan dhibaatada dadka rayidka ah,” ayuu yiri Fabrizio Carboni, oo ah agaasimaha gobolka ee ICRC.

REUTERS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker