Dawladda Hindiya Oo Howlgallo Militari Ka Wadda Gobolka Kashmiir

Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa howlgallo kale oomilitari kusoo roggay gobolka Kashmiir xilli muslimiinta gobolkaas ay u dabaaldeggayaan munaasabadda Ciidda Carafa, ciidammo badan ayaa ku sugan waddooyinka magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Srinagar. Waxaana weli maqan isgaarsiinta magaaladaas in ka badan muddo toddoobaad ah.

Waxaa la sheegayaa in misaajiddada waaweyn ee ku yaalla Kashmiir lagu wado in la xiro maadama dadka loo ogolyahay inay ku tukadaan misaajaddada kale ee ku yaalla xaafadaha.

Kumanaan kamid ah ciidammada militariga ee Hindiya ayaa waxay howlgallo ka wadaan gobolka.

Howlgallada Hindiya ay ka waddo gobolka Kashmiir ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran kaddib markii ay gobolkaas kala noqotay aqoonsigii gaarka ahaa ay u heysay Kashmiir, boqolaal qof ayaa la xiray oo ay kamid yihiin siyaasiyiin kasoo jeedo halkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker