Qaramada Midoobay oo dib u eegis ku sameyneysa howlgalkeeda Afghanistan

Howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Afghanistan ayaa bilaabay dib u eegis uu ku sameynayo howlgalladiisa wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaalaha Afghanistan inaysan shaqada soo xaadirin ugu yaraan ilaa bisha May kaddib markii maamulka Taliban uu ka mamnuucay haweenka shaqaalihiisa ka midka ahaa inay shaqeeyaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu howlgalku soo saaray.

QM ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Taliban oo xukunka dalkaas la wareegtay sanadkii 2021, ay ku wargelisay in haweenka Afghanistan aysan u sii shaqeyn doonin hay’adaheeda. Taliban ma aysan ka hadlin amarka.

Howlgalka QM ee Afghanistan ee loo soo gaabiyo UNAMA ayaa war saxaafadeedkiisa ku sheegay in Taliban ay isku dayeyso in QM ay kala dooransiiso labo daran mid dooro oo ah inay joojiso gargaarka iyo taageerada ay siiso dadka reer Afghanistan iyo inay ku taagnaato qaanuunnnadeeda iyo shuruucdeeda ay ku dhisan tahay.

QM ayaa intaa raacisay in hirgelinta amarka Taliban uu ka dhigan yahay in ururkan caalamiga ah uu jebinayo khawaaniintiisa.

Waxay ka codsatay ilaa 3,000 oo shaqaalaheeda isugu jira rag iyo dumar ay guryaha joogaan ilaa 5-ta May ilaa iyo inta laga gaarayo go’aan.

Ka mamnuucidda haweenka inay u shaqeeyaan QM, ayaa kusoo aadeysa iyadoo bishii December inta badan haweenka oo laga mamnuucay inay u shaqeeyaan ururrada aan dowliga ahayn, ay dhalisay cambaareyn caalami ah.

Saraakiisha qaar ayaa walaac ka muujiyay in deeq bixiyeyaashu ay jaraan taageerada ay siiyaan barnaamijka gargaarka bani’aadannimo ee Afghanistan, oo ah kan ugu weyn adduunka, iyo in hirgelinta barnaamijyada qaar iyo gaaridda haweenka bulshooyinka asal raaca ah ee dalkaas iyadoo aysan jirin shaqaale haween ah aysan suurtogal noqon doonin.

Taliban ayaa xayiraado is daba joog ah ku soo rogtay inay haweenku shaqeeyaan, wax bartaan iyo nolosha bulsho. Saraakiisha Taliban ayaa sheegay inay xushmeynayaan xuquuqda haweenka iyagoo raacaya shareecada Islaamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker