Rw Abbiy Ahmed oo Wasiirada Uu Magacaabay ku Soo daray Haweenay Somaliyad ah

Adis Ababa (OWN) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qaatay Go’aan hadal heyn badan dhaliyey kadib markii gabadh Soomaaliyad ah uu u magacaabay xubin ka Tirsan golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya.

 

Wasiirka Haweenka iyo Carruurta Itoobiya ayaa Loo Magacaabey Filsan Cabdullaahi Axmed oo sidii kale ah Milkiilaha Telefishinka keliya ee madaxa bannaan ee deegaanka Soomaalida oo lagu Magacaabo Nabad TV.

 

 

Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa ka mida  dhalinyarada ku dhashay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana ugu firfircoon, waxaana Magacaabisteeda soo dhaweeyey inta badan Soomaalida dowlad deegaanka.

 

 

Filsan Cabdullaahi Axmed oo u Ololeyn jirtay nabadda ayaa ka mid ahayd Saddex Wasiir oo cusub kuwaasoo uu Xalay magaacabay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana maanta Ansixiyey Baarlamanka Itoobiya.

 

 

Halkaan hoose ka akhriso seddexda wasiir ee uu magacaabay Abiy Ahmed

  1. Dr Lia Tadesse – Wasiirka Caafimaadka.
  2. Lake Ayalew- Wasiirka Dakhliga
  3. Filsen Abdulahi –Wasiirka Haweenka, Caruurta iyo DhalinyaraAhmed

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker