Ciidamo Ajaanib Iyo Soomaali Ah Oo Weeraray Deegaano Ka Tirsan Soomaaliya.

Muqdisho-(OWN)-Ciidan isugu jira Soomaali iyo cadaan ayaa xalay saq dhexe waxa ay weerar qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Mubaarakak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay wateen laba diyaaradood ee Helicopter ah, kadibna ay ku dagteen deegaanka Mubaarak duleedkeeda, halkaasi oo la sheegay inay ka lugeeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada duleedka Magaalada Mubaarak iska hor imaad uu ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Shabaab oo u muuqday inay la socdeen dhaq dhaqaaqa ciidankaan.

Dagaalka labada dhinac halkaasi ku dhexmaray ayaanan la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan.

Warbaahinta Al Shabaab waxa ay sheegteen in ciidamadii Cadaanka ahaa ee weerarkaasi soo qaaday ay ku fashilmeen sida ay hadalka u dhigeen, inkastoo illaa hadda aanan si rasmi ah loo ogeyn Khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker