Sida ay Baakistaan iyo Shiinuhu ku heli karaan diyaradaha qumaatiga ukaca ee looyaqaan F35s

Diyaaradahan ayaa waxa lagu faraameeyay dalka Maraykanka sannadkii 2006, waana diyaarado aanay haysan dunida inteeda kale marka laga tago xulafada Maraykanka ee ay ka midka yihiin, Boqortooyada Ingriiska, Talyaniga, Holaan, Noorway, Danmarig iyo Kanada. Sidoo kale waxa ciidan ahaan looga iibiyaya dalalka ay ka midyihiin, Jabaan, Israaiil, Koonfurta Kuuriya iyo Biljamka.

Israaiil waa dalka kaliya ee haysta noocan diyaaradaha ah, wana isla dalkii ugu horeeyay ee u isticmaala dagal, wana dalka ay rabaan Maraykanku in ay ahaadaan quwada Bariga dhexe si aanay cidna ula loolamin ciidan ahaan.

Dhawaan ayay ahayd markii uu heshiis dhexmaray Dalka Imaaradka Carabta iyo Israaiil oo ay sheegeen in ay wadaagidoonaan xidhiidh Diblamaasiyadeed, balse waxa uu xidhiidhkaasi isbadalay markii damaca ay Dalka Imaaradka Carbatu ku rabbaan diyaaradahan F35s, ay is hortaageen dawlada Israaiil oo aan rabin cid aan iyaga ahayn in ay ku haysato Bariga Dhexe, wana halka ay isku maandhaafeen labadan dal.

Israaiil, waxa ay ku andacoonaysaa in uu jiro xidhiidh qoto dheer oo ka dhexeeya Imaaradka iyo Baakistaan markaa haddii laga iibiyo ay si sahlan Baakistaan ku heli karto noocan diyaradaha ee lagu farsameeyay Maraykanaka.

Inta badan waxa tababar siiya ciidamada cirka ee Imaaradka kuwa dalka Baakistaan, oo shantii Sargaal ee ciidamada cirka ugu horeeyay ee Imaaradku waxa ay ahaayeen reer Baakistaan intii aanay kala wareegin kuwa Imaaradku, wana halka baqaha ugu wayni ka hayo Israaiil ee ah in aan laga iibin Imaaradka diyaradahan.

Marka ay sidaa tagay reer Galbeedka waxa ay ku qancinaysaa Israaiil in haddii ay Imaaradku helaan diyradahan ay si wanaagsan uga fa’iidaysandoonaan labda dal ee kala ah Bakistaan iyo Shiinaha oo iyaguna intan danbe xidhiidhkoodu aad u waanagsanyahay, tani waa sababta kaliya ee haddii ay Imaaradka u suurogaliwaydo ay tahay in ay heshiiskii ka bixidoonaan.

 

WQ: Caynaan Faarax Caynaan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker