Mucaaradka Puntland oo ku hanjabay qaadista tillaabooyin doorashada ku saabsan

Dallada mucaaradka Puntland oo hadda war soo saaray ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in iyadoon heshiis lagu hayn ay guddiga doorashada Puntland ee PEC ay soo saaraan jadwal doorashoo oo ka durugsan waqtigii loogu tala galay in la qabto doorashada oo ah sideedda bisha Jannaayo.

Warka ka soo baxay dallada mucaaradka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay tahay arrin khatar gelin karta Puntland in iyadoo uu shir uga socda isimada Puntland Garoowe laga hordhoco.

Madaxweynaha ayay ku eedeyeen inuu sameynayo muddo kororsi shacriga baalmarsan isla markaana burbur u horseedayo Puntland.

Mucaaradka ayaa ku hanjabay in ay qaadayaan maalmaha soo socda tillaabooyin lagu hubinayo qabsoomidda doorashada sibey yiraahdeen aanu u dhicin firaaq dastuuri ah.

Hadalka mucaaradka ayaa imaanaya xilli xalay guddiga doorashada maamulka Puntland uu soo saaray jadwalka doorashada oo sheegaya in 25-ka bisha Febaraayo la qabanayo doorashada, halka markii hore doorashooyinka Puntland ay dhici jireen sideedda bisha Jannaayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker