Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Cadeeyey Inaanay Jirin Heshiis Dowladda Soomaaliya La Gashay Dalka Itoobiya.

OSLO(OWN)- Ra,iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay aanuu  jirin heshiis dowladda Federalka Somaliya ay la gashay dalka Itoobiya.

Isaga oo la hadlaayay Jaaliyadda Somaliyed ee dalka Norway ayaa Khayre wuxuu sheegay in heshiis uusan jirin, sidoo kalena tan iyo markii dowladan talada dalka la wareegtay xittaa aysan jirin heshiisyo waaweyn oo ay galeen.

 

 

Ra,iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu tilmaamay heshiisyada dowladda ay gasho in la horgeeyo Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, kadibna loo gudbiyo Madaxweynaha Somaliya oo uusan jirin heshiis qarsoon.

 

“Maalmahan waan aragnay in laga hadlayey heshiis lala galay Itoobiya, annaga wax heshiis ah lama gelin dowladda Itoobiya, Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya ayaa ka yimid dalkiisa, waan soo dhoweynay, shirkii markuu dhammaaday war-murtiyeed baa kasoo baxay, kaas oo ah in dhaqankii hore wax laga bedalo, inaan wadashaqeynno, inaan u furno dekadaha qaab ay u isticmaali karaan, dekadaha dadka Soomaaaliyeed ayaa iska leh, shacab Soomaaliyeed ayaa iska leh, haddii ay qaadanayaan mar hore aan aqbali lahayn, dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inaan la jahwareerin.” ayuu yidhi Kheyre.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kala duwan ayaa sheegaayay in dowladda Itoobiya lagu wareejiyay afar dakadood, inkastoo hadda madaxda dowladda arrintaasi ay toos u beeniyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker