QM oo qaraar kasoo saartay burburinta dhuxusha Soomaaliya

Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa si buuxda isugu raacay qaraar qabyo ah oo ka hadlaya qubidda (burburinta) dhuxusha.15ka dal ee xubnaha ka ah golaha ayaa qaraarka 2696 ku soo saari doona dukumenti qoraal ah.

Xubnaha ayaa la sheegay in ay eegeen dalab uga yimid dawladda federaalka Soomaaliya oo doonaysa in la soo saaro Qaraar aan ka hor imaanayn kii tirsigiisu ahaa 751 ee 1992 lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya waxay doonaysaa in hal mar oo kaliya loo fasaxo inay daadiso (burburiso) dhuxusha taalla, sida ku xusan warqad la qoray 14kii Agoosto.

Golaha ayaa faray Soomaaliya in ay dhaqan geliso dalabkaas sida ku xusan qaraarradii 2036 (2012) iyo 2182 (2014), waxaana jira guddi ku dabagali doona sida ay hawshaas u fusho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker