Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud Ee QM Oo ka Hadashay Kiiska Ikraan Tahliil Ee Khilaafka Sababay.

Waxaa isa soo taraya Cadaadiska Dowladda lagu saarayo inay faahfaahin ka bixiso kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Soomaaliya (NISA).

 

 

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Maxamed oo kulamo kala duwan la yeelatay masuuliyiinta dowladda ayaa markii ugu horaysay ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil, kaasoo ka dhashay khilaafka madaxda dawlada.

 

 

Amina Jane Maxamed oo wax laga weydiyay kiiska Ikraan, waxay ku jawaabtay, โ€œin sarreynta sharciga iyo helitaanka caddaaladda ay muhiim u yihiin ka hortagga rabshadaha waana xuquuqda haweenka oo dhanโ€.ayay tidhi .

 

 

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wafddiga Qaramada Midoobey u sheegay inay masโ€™uuliyadi ka saaran tahay sidii ay caddaaladda ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.

 

 

Wuxuu sheegay in โ€˜in aanayย  habbooneyn in la siyaasadeeyo kiiska Ikraanโ€ sida uu baahiyay xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha. Somalia ee Maxamed Xuseen Rooble.

 

 

Waxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka iyo muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo sidoo kale ka soo shaqeysay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, xilligii Yariiso uu ahaa maayarkii magaalada, kaas oo ku dhintay qarax ka dhacay xafiiskiisa.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker