Nin Ku Geeriyooday Bulaacad uu ka xoogsanayay magaalada Hargeysa

Alle ha u naxariistee Nin muruq maal ah ayaa habeenimadii xalay abaaro 1:37 pm ku nafwaayay Bulaacad uu ka xoogsanayay oo ku taalay degmada 26 June ee magaalada Hargeysa gaar ahaan istaanka Cabaaye ee suuqa.

Hawlgal culus oo ciidanku fuliyeen ayaa ay ku guuleysteen inay maydka ka soo saaraan Godka.

Ninkan ku dhintay godka ayaa ahaa muwaadiniin u dhasahay waddanka Ethiopia, laguna magacaabo Subeer Bayaan, da’adiisuna ahayd 30 Jir. Sidoo kale waxaa bulaacada kala shaqaynayay nin kale.

Gurmadkan waxaa ka hawlgalay Ciidanka Dab-demiska ee ku sugan Taliska guud, waxaana badi goobjoog ahaa saraakiisha u saraysa ciidanka. Waxaana maydka la wareegay ciidanka dambi baadhista Booliska.

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan ka farayaa muwaadiniinta ku nool Somaliland inay ka digtoonaadaan bullaacadaha iyo godadka ay sida sharci darada ah uga qodayaa habeenkii goobaha aan loo meel dayin, kuwaasoo khatar ku ah dad iyo xoolaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker