Wasiirkii caafiimaadka Portugal oo xilkii iska casishay ka dib Geerida Haweeney Xaamilo ahayd.

Wasiirka caafimaadka dalka Portugal Haweeneyda lagu magacaabo Dr. Marta Temido, ayaa xilka iska casishay saacado uun kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay geeriyootay Haweeney xaamilo ahayd oo dalkaasi dalxiis u joogtay kaddib markii laga soo celiyay qeybta Haweenka ku umulaan ee Cusbitaal ku yaalla Magaalada Lisbon.

Haweeneydan oo 34 sano jir ahayd una dhalatay dalka Hindiya ayaa sida la sheegay Wadnuhu uu istaagay, xilli marba la geynayey mid ka mid ah Cusbitaallada ku yaal Magaalada Lisbon.

Arrintan ayaa timid xilli ay soo baxayeen dhacdooyin is-xigxigay oo ka dhacayay Cusbitaallada dalkaasi, kuwaa oo loo aaneynayo shaqaale la’aanta ka jirta qaybaha Haweenka ku umulaan ee guud ahaan Cusibitaalalda dalka Portugal.

Dr. Marta Temido ayaa Wasaaraddan caafimaadka madax ka ahayd tan iyo 2018-kii, waxaana lagu amaanaa sidii ay u maareysay Masiibada cudurka Covid-19.

BBC.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker