Xeer Ilaalinta Somalia oo Furtay Dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin ,Kulane. iyo Taliye Faray

Muqdisho (OWN) – Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Somalia ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo Taliyaha hay’adda ee gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis.

Qoraal kasoo baxay Qareenka Hooyada dhashay Ikraan ayaa lagu sheegay in dacwaddan ay soo gudbiyeen qoyska iyo ehellada Ikraan Tahliil Faarax, oo ay NISA shaacisay geerideeda kadib markii ay u gacan gashay Al-Shabaab, ayada oo kooxduna iska fogeysay arrintaas.

“Aniga oo ah Qareen Daahir Maxamed Cali oo Qareen u ah Maamo Khaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax waxaa Xeer ilaalinta CQS ugu soo gudbinayaa Cabashada uu ku xusan oo lid ku ah shaqsiyaadka ujeedda sare ku sheegan si waafaqsan qoddobada 21-aad iyo 22-aad ee XHCS,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waraaqda oo si toos ah ugu socotay Xafiiska X.Ilaalinta Guud, ayaa ogeysiin la siiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS, waxaana lagu xusay eedeymaha saraakiishaas loo haysto, taasi oo u dhigneyd sidan hoose;

1. Fahad Yaasiin: Waa shaqsigii gabadha la dilay ee Ikraan dalka dibadiisa uga yeedhay, una sheegay in xil loo magacaabayo, mar kalane ayada oo safar u socota u sheegay inay joogto si Xil looga magacaabo, wuxuu kale oo uu u sheegay in lala soo xidhiidh dooni si loola socodsiiyo xilka loo magacaabay, soo wicitaankiisuna wuxuu noqday kii gabadha lagu waayey.

2. Cabdiqani Diirane oo loo yaqaano wadna-qabad: Waa shaqsiga gabadha gaadhiga kaga qaaday Gurigood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker