Taalibaan oo la wareegtay diyaarado aan shaqaynayn oo uu Maraykanka ka tagay
Waxaa soo baxay sawirro muujinaya dagaalyahannada Taalibaan oo wata qalab milateri oo ay ciidammada Mareykanku kaga tageen garoonka diyaaradaha Kabul ee Hamid Karzai.
Guud ahaan waa 73 diyaaradood, ku dhawaad 100 gaari iyo qalab kale oo ay ciidamada Maraykanka ka tageen markii ay ka baxeen Afghanistan waqtigii loo qabtay ee 31 August
Laakiin madaxa taliska dhexe ee Mareykanka Gen Kenneth McKenzie ayaa sheegay in dhammaan qalabkaasi laga dhigay kuwa aan la isticmaali karin.
“Diyaaradahaas ma ahan kuwa dib dambe u duuli doona,” ayuu yidhi.
Sida ay xigteen wakaaladaha wararka qaarkood , saraakiisha Taalibaan ayaa walaac ka muujiyay in agabka iyo hubka ciidan ee uu Maraykanka ka tagay aysan ahayn kuwa shaqaynaya.
Diyaaradaha looga tagay Kaabul waxaa ka mid ah:
• Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee MD-530, oo loo adeegsado sahanka iyo weerarka dhow
• A-29 oo ah diyaaradaha weerarka fudud loo isticmaalo.
Bishii Juun, ciidamada qalabka sida ee Afgaanistaan waxay adeegsanayeen:
• 43 MD-530s, oo ay bixisay Maraykanka.
• 23 A-29s
Qiimaha alaabta shaqsiyeedka ma aha kuwa si toos ah loo sheegi karo laakiin qiimaha qeybta A -29 ayaa lagu sheegay inay ka badantahay $ 10 malyan oo doolar.

Muuqaal uu duubay weriyaha LA Times Nabih Buulos ayaa muujinaya dagaalyahanada Taaliban oo wata helicopter nooca CH-46 Sea Knight.