OGAADAY: Afarta Ciyaartoy Ee Ay Dawladda SPAIN Kala Tashatay In Horyaalka Dib Loo Bilaabo & Wixii Ay Ku Taliyeen

Wasiirka caafimaadka dalka Spain, Salvador Illa, ayaa  Shir la yeeshay kabtannada Afarta kooxood ee waaweyn ee dalka Spain, waxaanu kala tashaday sida Horyaalka LaLiga dib loogu bilaabi karayo.

 

 

Kulankan oo dhacay Salaasada, waxa lagu qabtay hab maqal iyo muuqaal ah oo ay si fiican isku arki karayaan ciyaaryahannada iyo wasiirku, waxaana talooyinkooda dhiibtay afarta ciyaartoy ee Sergio Ramos oo matalayey Real Madrid, Lionel Messi oo ka socday Barcelona, Koke oo Atletico Madrid ah iyo Dani Parejo oo Valencia ah.

Waxaanay ka dhiibteen aragtidooda sida ugu habboon ee horyaalka loo dhamaystiri karayo iyadoo aan halis la gelinin taam ahaanshaha iyo caafimaadka ciyaartoyda.

 

 

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo la go’aamiyey inuu dib usoo laabto usbuuca labaad ee bisha June, waxa ciyaaryahannada kooxaha kala duwan loo fasaxay maalintii shalay inay tababarka u qaataan sidoodii hore, iyagoo isku soo ururi karaya, isla markaana si wada jir ah uu tababaruhu laylintiisa ugu samayn karayo.

 

 

Wasaaradda caafimaadka waxay u laqintay kabtannada Real Marid, Barcelona, Atletico Madrid iyo Valencia, tilmaamaha caafimaadka ee la raacayo iyadoo aan la kala durkaynin, isla markaana garoomada gudaheeda lagu qasban yahay inaan laga tegin marka ciyaaruhu dib u bilowdaan.

 

Golaha Isboortiga qaranka Spain ee magaciisa loosoo gaabiyo CSD ayaa ogolaanshaha buuxa siiyey ciyaartoyda inay wadar ahaan u tababartaan, kaddibna ay si buuxda u bilaabi karaan tartanka LaLiga wixii ka dambeeya June 11.

 

Sergio Ramos iyo Lionel Messi ayaa Salvador Illa, waxay u tilmaameen qaabka lama huraanka ah ee aan ciyaaraha laga beddeli karaynin, iyo qodobbada ay tilmaamahooda caafimaadka ku xuseen ee aanay suurtogalka ahayn in laga fuliyo gudaha garoomada, sida istaabashada, taakallada iyo hirdanka xilliyada lasoo laagayo koorneyaasha.

Horyaalka LaLiga iyo horyaalka heerka labaad ee LaLiga SmartBank ayaa bilaabmi doona June 11 waxaana la dhamaystiri doonaa July 19, taas oo ka dhigan in muddo 39 maalmood ah ay koox walba ciyaari doono 11 kulan oo ka hadhsan xili ciyaareedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker