Talibaan shir jaraa’id oo ay qabteen maxay kaga hadleen?

Shirkii jaraa鈥檌d ee uggu horeeyey ee ay qabtaan Taliban, illaa iyo intii ay xukunka la wareegeen, iyagoo kaga jawaabey mawduucyo fara badan. Kuwa uggu waa weyn, waa sidan soo socota:

路Kooxdu waxey si deg deg ah ugga shaqeyneysaa dhisidda dowlad, waxaa lagu dhawaaqi doonnaa marka la dhameystiro, sida uu sheegay afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid,.

路Wuxuu sheegay in haweenku ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan bulshada dhexdeeda, loonna oggolaan doono iney shaqeystaan, iyadoo loo eegayo hannaanka nolosha ee sharciga Islaamka, laakiin ma aanu sharaxin waxa taa loola jeedo ficil ahaan.

路Mar la weeydiiyey dadka qandaraaska iyo turjubaanada u ahaa awoodaha shisheeye, Mujahid ayaa sheegay in aaney jiri doonin aargudasho lagula kaco qofna, iyadoo kooxdu ay u fidisay cafis qof waliba, si loo gaaro nabadda iyo xasiloonida dalka Afghanistan.

路Wuxuu kaloo sheegay afhayeenku in Taliban ay qadarin doonto kaalinta warbaahinta madaxa bannaan, iyagoo balan qaadey in warbaahinta gaarka loo leeyahay ay sii ahaan karto mid xor ah oo madax bannaan.

路Laakiin wuxuu ka digey in warbaahinta ay u shaqeyso si gurracan, oo iyaga kasoo horjeeda.

路Mar la weeydiiyey halista ka dhalan karta haddii ay marti galiyaan ururo ay kamid yihiin al-Qaeda ama kuwa kaloo argagaxiso, ayaa waxa uu sheegay Zabihullahi Mujahid in dalkani aanan mar danbe loo isticmaali doonin goob lagaga duulo dalal kale.

路Sidoo kale, wuxuu sheegay afhayeenka Taliban iney qorsheeyeen inay ciidankooda ku hakiyaan daafada magaalada Kabul, si hannaanka kala guurka looggu dhameystiro si dagan, laakiin ay soo baxdey duruuf ku qasabtey iney u galaan gudaha magaalada, si ay u hubiyaan ammaanka dadka dagan magaalada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker