Talibaan oo ku dhawaaqday in 20 sano kaddib uu dhammaaday dagaalkii Afghanistan.
Kooxda Talibaan ayaa ku dhawaaqday in dagaalkii Afghanistan uu dhammaaday kaddib markii ay la wareegtay xarunta madaxtooyada ee Kabul, iyadoo ciidamada Mareykanku hoggaaminayo ay baxaan dalkaas, isla markaana waddamada reer Galbeedku ay Isniintii isku raaceen inay daad gureystaan muwaadiniintooda.
Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dalkiisa ka qaxay Axaddii, markii Taliban ay soo galeen caasimadda, iyadoo aysan jirin cid iska caabbisay, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado ‘dhiig daata’, halka boqolaal reer Afghanistan ah ay quus ka joogaan inay ka baxaan garoonka diyaaradaha ee Kabul.
โMaanta waa maalin ku weyn shacabka Afghanistan iyo mujaahidiinta. Waxay goobjoog u ahaayeen miraha dadaalkooda iyo naftooda oo ay u hureen 20 sano,โ ayuu yidhi Mohammad Naciim, afhayeenka xafiiska siyaasadda ee Taalibaan u sheegay TV -ga Al Jazeera.
โIllaahay baa mahad leh, dagaalku waa ka dhammaaday dalkanโ. ayuu sheegay Naciim.
“Waxaan gaarnay wixii aan raadinaynay oo ahaa xorriyadda dalkeenna iyo madaxbannaanida dadkeenna. Ma oggolaan doonno in dad kale ay dhulkeenna u adeegsadaan goob dagaal, ayn ku beegsado dad kale, inaguna ma doonayno inaan dadka kale waxyeello u geysanno.” ayuu sii raaciyay.
Talibaan waxay ku qaadatay inay gebi ahaabna qabsato Afghanistan muddo ka yar laba todobaad, iyadoo ugu dambeybtiina ay shalay gacantooda soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul.
Ciidamada Afghanstan, oo sanado badan tababarro la qaadanayay kuwa Mareykanka iyo kuwa kale, heystana saanad military, ayna ku baxday balaayiin doolar ayaa kala si fudud u kala daatay.
Hoggaamiye ka tirsan Talibaan ayaa u sheegay Reuters inay dib isu uruursanayaan, ayna iskaga imaanayaan gobollada dalkaa, isla markaana ay sugi doonaan inta ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaan kahor inta aysan dhisin maamul cusub.