Sirta ku duugan Shirkii Jabouti.

Waxa wada hadalka soo dedejiyey, awoodii China oo aad ugu baahaysa Geeska Africa.Khayraadka dihin ee ku jira Geeska Africa ayaa noqday mid muhiim u ah labada dhinac reer Galbeed iyo reer Bari. Taasina waxay    ka dhigay meel lagu hirdamayo, oo ay ku hirdamaan awoodaha reer Galbeedka iyo reer Bariga.  Agricom oo ah ciidanka Mareekanka ee Africa ayaa cadeeyey in awoodaasi China balaadhatay dhanka dhaqaale ee Africa iyo awoodiisa ciidan ee saldhiga Jabouti loona baahan yahay in si dhaba looga hawl galo loona joojiyo.
Hadaba maxaa xal loo arkay, waxa xal loo arkay in la dejiyo dawlad Somaliyeed oo shaqaynaysa sintana loo dhigo. Lakiin iyaguna ay ogolaadaan;
1. In Seven Sisters(Todobadii shirkadood ee walaalaha ahaa) ee reer galbeed la siiyo heshiisyadoodii shidaalka. Laguna galo saami siman 50/50 profit split sharing.
2. In Norway oo survey ka qaaday bada Somaliya iyo qayb beriga kamid ah. Markii danbe ee waxba uga hagaagi waayeen Norway waxay xogtii la wadaagtay Kenya. Kenyana uu galay damaca ah qabso bada iyo berigaba wixii suurtagal ka noqda. Hawshii oo sifiican usocota ayaa waxa fashilisay  Dawlada Turkey taas oo ay si toosa usoo gashay una dhistay ciidan xoogiisa iyo cududiisaba leh. Oo aan idhaha laga qarsan karin talaabo kastaba og. Taasi waxay ku noqotay, wadamadii dabada kariixayey iyo Kenya ba dhabar jab wayn. Waa sababta maanta Mareekan u fahmay bogcadan faai’idadeeda iyo in si toosa loola macaamilo Dawladda ka arimisa Madax-wayne Farmaajo iyo Khayre.
Fashilkaasi wuxuu laf-jab ku noqday Norway. Norwayna waxay toos ula soo xidhiidhay dawladii dhexe waxayna ka codsatay in ay hal block ka heli karto Dalka Somalia. Dawladii Somaliyeed ee hada Farmajo iyo Khayre na way ka ogolaadeen waxase lagu xidhay $380 million oo xaal marin ah in ay bixiso oo Advance looga sii hayo. Tiina waxay kusoo shubtay bangiga dhexe ee Somalia.
3. Turkey wuxuu qayb muhiima ka ciyaaray dib u xasilin-ta Somalia maxaase dan ugu jira. Wuxuu abaal marin u helay in wixii kasoo go’a beeraha Somalia oo Muuska iyo sinsinta loo iib geeyo  iyo in Block Oodwayne oo noqonaya bogcad balaadhan oo ay dhex ceegaagto saliid ayaa Gernal Energy iyo Jacka resource oo Australia ahi u heleen saamin. Kolkaa seven sisters +Norway+Turkey (Australia) = ayaa waxay ka dhigaysaa maxsuulka saliidaha Somalia mid ay ku wada jiraan sideed walalaalo ah. Oo isku mabda’a dhaw. Taas oo balan qaad u noqotay in siyaasada Somalia sinaha loo dhigo.
4. Heshiiska seven sisters ka waxa lagu soo cusboonaysiiyey contract gooda dalka Mareekanka. Waxana soo saxeexay khayre magaalada Texas.
5. Siyaasadaas furfuran ee Farmajo iyo Khayre waxay abuurtay jawi cusub oo maalgashi laakiin waxay codsadeen in sidhaba pressure iyo culays loo wada saaro Somaliland, oo ah wadan ka go’naa Somalida inteeda kale. Waxana laga baqay in wadamada reer barigu (China & Rassia) ka soo dhigtaan dhufays carqaladku ah Geeska Africa. Taaasina waxay keentay wadahadal deg deg ah  oo loo marayo odayga Somaliyeed ee President Ismail Omar Geele.
6. Maxaa kasoo baxay hadaba shirkii la wada galay;
@In deeqaha iyo arimaha bina aadan tinimo aan la siyaasadayn.
@In weedhaha xanafta leh, ee saxaafada laysu marinayo la yareeyo. Isla markaana laga amaba aqaado heshiis-yadii hore u jiray lana tix galiyo.
@ In gudi farsamo, oo arimaha isla lafa gura laysu diro oo labada dhinacba ku kalsoon yihiin. SOMALIA HORE AYAY USOO DIYAARSATAY SOMALILAND NA WAA LAGA SUGAYAA waayo waxa yimi waxay ahayeen Wasiiro.  Gudidu waxay ka soo tallo bixin doonaan sida, wax loo qaybsanayo, sida loo wada hadlayo, sida dawlad salbalaadha oo laysku raacsan yahay loo dhisanayo Waqooyi iyo Koonfur IWM. Waana sababta ka qaylaalsiisay Dani (Puntland)
@ Markeekanku balan qaaday in Somaliland oo aan mudo wax la tarin, maanta si mug leh oo miisaan leh wax loo taro waa hadii ay midinimada Somaliyeed qaataan. Waxay heli doonaan hanti dhan 5 Billion USD dollers.
7. Waxa muuqanaysay in Somaliland dhinac laga wada ahaa, African Union, European Union,  East Afarica (siiba Jabouti iyo Ethiopia), United states of America. Dhamaantood waxay culays ku saarayeen Somaliland midaw danbe iyo wax wada gaybsi dhanbe. Waana sababta ka qaylaalsiisay Gud. Saleeban ee uu Faratoona uga uga diplomacy-yadda batay. (Saleebaan waxa xidhay yaan ereyo xanaf leh oo shacanka kicinaya hawada laysu marin, kaas oo ku keenay in uu raali galin ka bixiyo)
8. Siyaasadda sidaa u dhigani waxay dan u noqonaysaa Somalia. Somaliland waxa lagu dhaliilayaa in aanay kaxaysan dad badan oo aqoon iyo khibrad ba u leh arintan. Tusaale ahaan garyaqaano, arintan il sharci oo caalami ah ku fiirsha lama kaxayn, halka Somalia wadatay ayna kamid yihiin gudida wada hadalka. Laakiin Dr. Sacad iyo Adna Adam ayaa iska caabin lahaa wajiga koobaad ee arintan (Face one), loomase ogolaan waxase qol gaara lagu xidhay Gud. Saleebaan iyo M.wayne Muuse bixi oo aan wax badan is dhaamin. Taasina waxay keentay, in kudbadii kadib discusstion kii hadhuudh laha lagu daro. Oo tallo ku ciirtay, waayo biyo kaa badan iyo faro kaa badaniba waa ku hafiyaan. Waana sababta keentay qayladii Gud. GUURTIDA iyo juuq la’aantii Madaxwayne Biixi.
9. Wuxuu kulanka shirkani faaido u noqday M. FARMAAJO & R. KHAYRE oo ah niman doorasho ku jira oo xal u arka la kulan ka Somaliland iyo in meel wax laysa meel dhigay. Asxaabta geeska iyo reer galbeedkuba waxay fahmeen siyaasadan furfuran iyo in ay marlabaad soo noqdaan labadaaa nin. Waxna ay la deal gareeyaan.
Waxay noqotoba waxay yidhaahdaan baynu sugaynaa.
Salaama
Acm
aadancmf@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker