Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kullan la yeellanaya Xisbiyadda Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI

Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu dhawaan uu kullan la yeellan doonno hoggaanka Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI si xal loogga gaadho khilaafka soo jiitamay ee u dhaxeeyey labada dhinac,kaas oo la xidhiidha kale horeysiinta doorashada Madaxtooyadda iyo ururrada.

Kullankan ayaa la sheegay in hadda ay dhinacyaddu isku diyaarinayaan,iyadoo miiska wadda haddalka la iskugu iman doonno sidii dhaqanka u ahayd siyaasiyiinta reer Somaliland,waxaana la filayaa inay dhinacyaddu ay kaga wadda xaajoon doonnaan arrinta doorashada Guurtida iyo qaabkii loo currin lahaa xeerka tooska ah ee ururrada iyo weliba arrinta ugu mihiimsan oo ah sida loo kale horraysiinayo doorashada ururrada iyo ta Madaxtooyadda oo iyaddu sharciyan ka soo horraysay ta ururradda iyo axsaabta.

Kullankan la filayo inay wadda yeeshaan dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaanka Xisbiyadda Mucaaradka ayaa dhawr jeer oo hore baaqday,hase-yeeshee waxay xogguhu sheegeen in hadda ay labada dhinac u ballansan yihiin qabsoomida kullankaas,wallow ay mowqifyadoodu kale fog yihiin,waxaana xusid muddan in mawqifka Xukuumaddu uu yahay in doorashada ururradu ay ka soo horayso ta Madaxtooyadda,halka uu Mawqifka Mucaaradku yahay in doorashada Madaxtooyaddu ay sharciyan soo horayso oo ay miiska saaran tahay 13 November 2022-ka .

Madaxweyne Muuse Biix oo dhawaan dalka ku soo laabtay ayaa ka sanqadhiyey qabsoomida kullankaas,waxaanu yidhi “Wadda haddal waa la geli doonnaa heshiisyana waa la gelli doonnaa waana la isku soo dhawaan doonnaa “ayuu yidhi

Sidoo kalane Madaxweyne Biixi ayaa mar uu la hadlayey Idaacada VOA –da isagoo ka hadlayey doorashada Madaxtooyadda iyo ta ururrada ,wuxuu yidhi”labada doorashona sharcigu isma saarin ee wakhtiga iyo duruufaha ayaa isku soo beegay ,Xisbiyadda waxa uu liisankii ka dhacayaa bisha December 2022-ka,halka doorashadii Madaxtooyadduna ay taagan tahay bisha 13 November 2022-ka ”

Isagoo intaas ku sii darray “Doorashooyinka in la qabto waa la isla ogol yahay wey isa soo gaadheen hawl ma laha,wixi soo kordha waa lagga wadda tashadaa Somaliland oo waxa la odhanayaa waar waxan ayaa inala soo gudboonaadee maxaan yeel-naa .”ayuu yidhi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker