Ra’iisal Wasaarihii UK Boris Johnson oo Is Casilay

Boris Johnson ayaa maanta ku dhowaaqi doona inuu iska casilay xilka ra’iisul wasaraaha Britain kadib markii ay ka kala tageen wasiiradiisa iyo xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, kuwaasi oo sheegay inuusan u qalmin inuu wax sii maamulo.

Ayada oo sided wasiir ay is-casileen labadii saac ee u dambeysay, Johnson oo tabar beelay, islamarkaana cidloobay, ayaa u hoggaansami doona lama huraanka wuxuuna ku dhowaaqi doona inuu is-casilay, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo.

Xafiiskiisa Downing Street ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Johnson uu goor dambe oo maanta ah soo saari doono war-saxaafadeed.

Kadib maalmo uu u dagaalamayey shaqadiisa, Johnson ayaa waxaa faarujiyey waxyar mooyee inta badan xulafadiisa kadib markii fadeexado dhowr ah oo cusub ay jebiyeen rajadoodii aheyd inay taageeraan.

“Is-casilaaddiisa waxay aheyd mid aan la huri doonin,” waxaa sidaas yiri Justin Tomlinson oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Conservative-ka oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

“Xisbi ahaan waa inaan si deg deg ah u midownaa oo aan diiradda saarnaa waxa muhiimka ah. Waxaan ku jirnaa waqti adag dhinacyo badan.”

Xisbiga Conservative-ka ayaa hadda dooran doono hoggaamiye cusub, hanaankaas oo qaadan kara laba bilood.

Ma cadda haddii Johnson oo sii hayn doono xilka illaa laga dooranayo qofka noqonaya ra’iisul wasaaraha.

“Inuu iska casilo xilka hoggaamiyaha xisbiga ka sokow, ra’iisul wasaaraha waa inuu sidoo kale xafiiska ka tagaa,” waxaa sidsaas yiri Nick Gibs oo ah xildhibaan ka tirsan Conservative-ka.

“Kadib markii uu waayey wasiiro badan, wuxuu lumiyey aaminaadda iyo sharci ahaanshada loo baahan yahay sidii uu shaqdiisa usii wato.”

Taageerada Johnson ayaa baaba’day intii lugu guda jiray mid ka mid ah 24-kii saac ee ugu qalaalasaha badnaa taariikhda siyaasadda Britain, taasi oo uu tusaale u yahay wasiirka maaliyadda Nadhim Zahawi, oo xilkaas loo magacaabay Talaadadii un, kaasi oo ra’iisul wasaaraha ugu baaqay inuu is-casilo.

Zahawi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada ayaa xalay tegay xafiiska Downing Street si ay ugu sheegaan Johnson in watqigiisa uu yimid.

REUTERS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker