Safiirka Somalia u fadhiya Dalka Kenya oo Beeniyay in Maraykanku Farmaajo kala Hadlay Kiiska Badda

Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa beeniyey inuu jiro kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo danjiraha Maraykanka u fadhiya wadanka Kenya Kyle McCarte.

Hadalka Tarsan ayaa yimid ka dib markii Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya oo wareysi siiyay wargeyska The Daily Nation uu sheegay inuu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

Danjire tarzan oo daba jooga arintan ayaa sheegay in safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya uu booqday Muqdisho dhowr bilood ka hor balse uusan la kulmin Madaxweyne Farmaajo.

โ€œUmmadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood ka hor, Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayoโ€ ayuu danjire Tarzan oo qoraalkan soo dhigay baraha bulshada.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Kenya ayaa u muuqda inuu ku milmay siyaasada dalka uu safiirka ka yahay isagoo marar badan horey u sheegay inuu Kenya ka taageerayo sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa kiiska badda ee hor yaalla Maxkamada ICJ.I

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker