Madaxtooyada Kenya oo Facebook ka saartay qoraalkii ka wadahadal kakhilaafka badda.
Qoraalkii ku saabsanaa in โUhuru Kenyatta uu dalbaday in laga wadahadlo khilaafka xuduudda baddaโ ayaa wax laga bedelay.
Qoraalka oo Facebook la soo dhigay ayaa hadda laga saaray qeybtii ku saabsanayd muranka xuduudda badda.
Qoraalkii hore waxaa ku jiray: Uhuru wuxuu dalbanayaa in โsi saaxiibtinimo ah xal looga gaaro khilaafka xuduudda baddaโ ee labada dal u dhexeysa, kaas oo yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku qaabilay madaxtooyadiisa magaalada Mombasa.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Rooble uu adkeeyay in “muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.”