Xukumadda Jabuuti Oo Ka Hadashay Qoomiyadaha Canfarta iyo Soomaalida oo Dagaal ku dhexmaray Jabuuti

Dawladda Jabuuti ayaa ka hadashay rabshado shalay ka dhacay magaalada madaxda Jabuuti, oo gaystay khasaare kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Saciid Nuux Xasan ayaa sheegay in rabshaduhu ay ka dhaceen dhowr goobood oo ay ku jirto xaafadda isku raranta ah ee Balbala.

Wasiirka oo la hadlayey teleefishanka dawladda Jabuuti ayaa sheegay inay dhacday dhimasho, hase yeeshee ma uusan sheegin tirada dadka ku dhintay rabshadahaas.

Wararka aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in rabashaduhu ay la xidhiidheen colaadda ka taagan gobolka Siti ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay colaadi ku dhexmartay Soomaalida iyo Canfarta.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker