Sirdoonka Mareykanka oo hogaamin doono qiimeynta dokumentiyo sir ah oo laga soo saaray guriga Trump

Agaasimaha sirdoonka Mareykanka, Avril Haines, ayaa sheegtay in xafiiskeedu uu hogaamin doono qiimeynta khatar kasta oo dhanka ammaanka ah oo ka dhalan karta waxyaabaha sirta ah oo laga soo saaray guriga Donald Trump ee Florida.

Warqad ay u dirtay labada guddi ee congress-ka, ayay Avril Haines ku sheegtay in saraakiisha sirdoonku ay la shaqaynayeen waaxda cadaaladda.

Afhayeen u hadlay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay xisbiga Dimuqraadiga inay ‘xog badan ay siiyeen’ sirdoonka taas oo ka dhan ah madaxweynihii hore.

Ciidamo ka tirsan waaxda dambi baarista ayaa guriga Trump kasoo saaray 11 dokumenti oo ku calamadeysnaa “TS/SCI”, waxay ku tilmaameen in dokumentiyadan ay horseedi karaan ‘dhaawac soo gaara’ amniga qaranka Mareykanka.

FBI-da waxay sheegtay in ka badan 20 sanduuq oo ay ka buuxaan walxo kala duwan laga soo qaaday guriga, oo ay ku jiraan sawirro, dokumentiyo gacanta lagu qoray, macluumaad aan la cayimin oo ku saabsan “Madaxweynaha Faransiiska” iyo cafis ah oo lagu qoray magaca Roger Stone oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen Trump.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker