Tallo Soo Jeedin: Madaxweyne iyo Guddoomiye Ka Baddella Lacagta Giimbaartaa Gobolka SOOL.

Waxaan Madaxweyaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi u soo jeedinayaa tallo ku aadan dhibaato ka taagan Gobolladda bariga khaasatan Gobolka SOOL, gaar ahaan Magaalo Madaxdiisa Laascaanood.
Dhibaataddan oo la Xidhiidha adeegsiga lacagta Shillings Somaaliga ah, taasoo ay ganacsatadda gobolkaasi sheegeen in aanay dadweynaha waxba kaga iibin doonin wixii hadda ka dambeeya.
Laascaanood Waxay ganacsataddu sheegeen taa badelkeedda inay wax ku iibinayaan lacagta adag ee dollarka ah. Iyadoo Hotelladdii iyo baddeecaddahii kaleba ay u adeegsanayaan lacagta dollarka ah.
Haddaba mar haddii xaalad adag iyo dhibaato dhaqaale ba u keenayso tallaabaddani Shacabka Reer Somaliland Ee ku nool bariga Dalka, gaar ahaan Gobolka SOOL Waxaan u soo jeedinayaa Madaxweyne Biixi inuu sidda ugu dhakhsaha badan uga hawlgalo badellaadda lacagtaas ay diideen Muwaadinnintu.
Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Waxa Taariikhda u gashay badelaaddii lacagtii shilling Somaaliga ahayd ee uu ka badelay Gobolka Togdheer. Taasoo dhaqaale xumaddii iyo dhibtiiba Shacabkaasi kaga baxeen.
Sidaas awgeed Madaxweyne waa dhibaato wax ka qabasho u baahan ee ka badel Laascaanood iyo Gobolladda bari-ba lacagta Giimbaartaa..
Dhanka kale Waxaan isna dhankiisa tallo taa la mid ah u soo jeedinayaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Ali Ibrahim Md Cali Ibrahim Jaamac Caateeye (Baq-daadi) inuu ka hawlgalo badelaadda lacagtaas iyo wax ka qabashadda Dhibaataddaa saamaynaysa nolosha Muwaadiniinta.

MAHADSANID.
Khaddar Ali Khum

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker