Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Dagaalada Tigray Ee Dalka Itoobiya

Dagaal culus ayaa lagasoo sheegayaa gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya wararkii ugu dambeyay ee halkaa  waxaa ay sheegayaan in dagaalkii ka qarxay gobolka Tigray bishii Nuveember uu ku sii fidayo gobalka Amxaarada.

Ciidamada federaalka iyo sidoo kale ciidamada gobolka Amxaarada ayaa ku lug lahaa la dagaalanka fallaagada Tigreega ee TPLF, sida uu  sheegay sarkaal ka soo jeeda deegaanka Amxaarada.

Wararka ku saabsan dagaallada sii xoogaysanaya ayaa imaanaya iyadoo dowladdu ay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii hore hase yeeshee aan dhag jalaq loo siinin.Dhammaan dhinacyada ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu sii hurinayo colaadda.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii xoogaga TPLF ay dib uqabsadeen inta badan deegaanno ka tirsan gobalka Tigray kadib duullaankii ciidanka dowladdu ku qaadeen bishii Juun.

Maamullada dalka ka jira ayaa wada abaabul ay ku doonayaan inay ku biiraan dagaalka, iyadoo isu soo baxyo lagu qabtay dalka oo dhan si dadka loogu dhiirigaliyo inay is qoraan oo ay ka qayb qaataan dagaallka ka dhanka ah TPLF.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ka digaya inuu gabaabsi noqon doono gargaar cunto oo loogu tala galay 400,000 oo qof oo ku nool xaalad macluul ah kuwaas oo ku sugan gobalka Tigray.

Dhamaan wadooyinka soo gala gobalka Tigray ee ka yimaada gobalka Amxaarada oo dhaca galbeedka dalka Itoobiya ayaa go’an sida ay sheegtay hay’adda WFP.

Waddada kaliya ee ka timaadda gobalka Canfarta oo xuduud la leh gobalka Tigray ayaan la galin karin kadib markii toddobaadkii la soo dhaafay weerar lagu qaaday kolonyo gawaari ah oo ay leedahay WFP .

Warbaahinta dolwadda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda iyo xulufadoodu ay cagta mariyeen xooggaga mucaaradka ah dagaalladii dhacay toddobaadkii la soo dhaafay hase yeeshee ma jirto cid madax bannaan oo warkaas xaqiijinaysa.

Qaar ka tirsan gawaaridda sidda mucaawinada ee WFP, oo ku sugan gobalka Canfrta ayaa u dhaqaaqay dhanka gobalka Tigray xili Qaramada Midoobey ay ku baaqday in dib loo soo celiyo adeegyadii aas-aasiga ahaa sida Korontada.

Jabhadda Tigreega ayaa loogu baaqay heshiis xabad joojin ah balse waxay ku xireen shuruudo ay kamid yihiin in gebi ahaanba laga saaro gobalka ciidamada Eratariya oo ka barbar dagaalamayay ciidamada Itoobiya tan iyo bishii Nufeember.

TPLF waxay ahayd xisbigii xukumayay gobalka Tigreega halkaa oo ciidamada federaalku ka saareen bishii Nufeembar waxay dawlada Itoobiya u aqoonsatay urur argagixiso. Balse jabhaddu waxay sheegaysaa inay yihiin dawlad-goboleedka sharciga ah ee Tigray.

Waxay isku khilaafeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed isbadalkiisii siyaasadeed, in kasta oo qabsashadii TPLF ee xarumihii militariga federaalka ee Tigray ay horseed u ahayd duulaankii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker