Xildhibaan Xisbiga Waddani Ka Tirsan Oo Codkiisa ku biiriyey Murashaxiinta Shirgudoonka ee Xisbiga Kulmiye

Xildhibaankan ayaa hore uga tirsanaa isbahaysiga xisbiyada mucaaridka isagoo kamid ahaa xildhibaanadii laba cisho ka hor soo dhaweeyay xildhibaan Maydhane oo kasoo baxay xisbiga kulmiye oo taageeray shir gudoonka isbahaysiga mucaaridku uxusheen in uu utartamo gudoomiyaha golaha ee cabdirasaaq khaliif hormuudka uyahay
Balse xildhibaan khaddar guun ayaa badalay aragtidiisii hore hadana ka mid noqday xildhibaanada mucaaridka ee taabacsan shir gudoonka xukuumadu wadato.

Loolanka loogu jiro shir gudoonka golaha wakiilada ee ay ku hirdamayaan isbahaysiga xisbiyada wadani iyo Ucid oo isku dhinac ah iyo xisbiga xukuumada ee kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Muuse Biixi ayaa maraya meel xasaasiya iyadoo isla caawana uu xildhibaan xisbiga kulmiye uga soo baxay gobolka sool uu shaaciyay in uu taageersan yahay isbahaysiga mucaaridka ee cabdirasaaq khaliif hormuud u yahay.

Ilaa hada ma cada sida loogu kala guulaysan doono shir gudoonka golaha wakiilada oo lafilayo in fadhigoodii u horeeya ay yeelan doonan bilowga todobaadka soo socda wallow aanu wali madaxwayne Muuse Biixi soo saran qoraalkii uu ku mudayn lahaa maalinta ay fadhiisanayaan golaha wakiiladu!

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker