Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomnaalida Oo Gurigiisa Ku Booqday Kulana Kula Qaatay Ugaaska Guud Ee Beelaga Gadabuursi Iyo Qodobada Ay Kawada Hadleen.

Jigjiga-(OWN)-Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa Saaka Ku Qaabilay Qasrigiisa Magaalada Jigjiga Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida. Mustafe Muxumed Cumar.

Ujeedka Booqashada Madaxweynaha ayaa Daaranayd Raali Gelin Uu Madaxweynuhu Ugaaska ka Raaligelinayay Khalad Maalin sii Horaysay laga Galay Ugaaska, iyo Salaan Guud oo uu Uga wado Xubnaha Xukuumadiisa. Shirka uu Ugaasku ugu Baaqay Beeshiisana Xukuumad ahaan ay aad u soo dhawaynayaan, hadii uu Wakhti Helo Madaxweynuhuna uu Gunaanadka Shirka ka Soo Qayb Geli Doono. Ugu Dambayn Ugaaska ayaa Uga Mahadnaqay Madaxweynaha sida Sharafta leh ee uu Ku Soo Booqday Isaga oo ugu Duceeyay In Ilaahay Xilka Ku Asturo, kulana Dardaarmay in Dadkiisa ugu Adeego Cadaalad iyo Sinaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker