Gudida Cadaaladda Jsl Oo Magacaabis, Isku Badal Iyo Shaqo Ka Saarid Ku Sameeyay Bahda Garsoorka

Gudida Cadaaladda Jsl Oo Magacaabis, Isku Badal Iyo Shaqo Ka Saarid Ku Sameeyay Bahda Garsoorka Somaliland.

 

Guddida Caddaaladda Somaliland ayaa maanta soo saaray wareegto iskugu jirta shaqo ka saaris garsooreyaal iyo ku-xigeenno xeer ilaaliyeyaal guud, halkan hoose ka akhriso qoraalkaas oo dhan.

Guddida Caddaaladda Somaliland ayaa maanta soo saaray wareegto iskugu jirta shaqo ka saaris garsooreyaal iyo ku-xigeenno xeer ilaaliyeyaal guud, Beddel iyo digniin la siiyey garooreyaal ka hawlgala laamaha garsoorka dalka.

Wareegtadda Guddida Caddaaladda oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaallada Wararka Somaliland, waxa kaloo ay shan xubnood oo ka aqbaleen codsiyado shaqo tagis ahaa oo ay hore ugu gudbiyeen Guddida,

wareegtada Guddida Caddaaladda oo uu soo saaray Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, waxa kaloo wadajir ugu saxeexnaa 9ka xubnood ee guddida caddaaladda Somaliland waxaanay wareegtadaasi u dhignayd sidan:-

“Fadhigii Guddida Caddaaladda oo fadhigiisii labaad yeeshay maanta oo taariikhdu tahay 23/10/2018, si waafaqsan qoddobada 107 iyo 108 ee dastuurjka JSL.

Markay arkeen: Qoddobka 107(3) 108 ee dastuurka JSL.

Markay arkeen: Danta Guud ee Caddaaladda.

Markay: dood dheer iyo falanqeyn ka yeesheen beddelka garsooreyaasha, shaqo ka saarida, digniin iyo aqblaad shaqo ka tagis.

Sidaas darteed waxay Guddida Caddaaladdu go’aamisay:-

Cabdilaahi Cali Cismaan, waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal, waxaan loo beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka gobolka Togdheer.
Cumar Jaamac Cabdi, waxa laga beddelay Garsoore Maxkamadda degmada Boorame, waxaana loo beddelay degmada Berbera.
Cali Ismaaciil Muxumed waxa laga beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gob/degmo Daadmadheedh.
Jamaal Axmed Muxumed waxa laga beddelay Garsoore maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, waxaana loo beddelay Garsoore Maxkamadda Racfaanka gobolka Togdheer.
Xasan Cali Ibraahim, waxaa laga beddelay Gobolka Maroodijeex, waxaana loo beddelay maxkamadda gobol/degmo ee Daadmadheedh.
Saleebaan Jaamac Xandulle, waxaa laga beddelay maxkamadda degmada Hargeysa, waxaana loo beddelay maxkamadda gobol/degmo ee Gabiley.
Yuusuf Cabdilaahi Cali, waxaa laga beddelay xafiiska ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, waxaana loo beddelay ku-xigeenka xeer ilaaiyaha guud ee gobolka Saraar.

Dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsooreyaasha iyo ku-xigeennada xeer ilaaliyeyaasha la beddelay waa inay ku tagaan meesha loo beddelay muddo toban cisho gudahood ah.

Shaqo ka saaris:-

Xasan Cabdiraxmaan Muxumed, oo ahaa garsoore maxkamadda degmadda Burco, waxaa laga saaray shaqadii garsoorka.
Saleebaan Cumar Ciise, oo ahaa garsoore maxkamadda gobolka Togdheer, waxa laga saaray shaqadii garsoorka.
Xamse Axmed Cali oo ahaa Garsoore maxkamadda Degmada Burco, waxa laga saaray shaqadii Garoorka.
Cali Siciid Jaamac, oo ahaa garsoore maxkamadda degmada Hargeysa waxa laga saaray shaqadii garsoorka.
Cabdalle Daahir Aadan oo ahaa ku-xigeenka xeer ilaaliye ee gobolka Togdheer waxa laga saaray shaqadii Garsoorka.

Digniin:
Abiib Axmed Ducaale oo ah garsoore maxkamadda degmada Boorame, waxa la siiyey digniin.
Cabdirisaaq Cumar Shiil oo ah garsoore maxkamadda degmada Boorame, waxa la siiyey digniin.
Sharmaarke Faarax Ismaaciil, oo ah garsoore maxkamadda gobolka Sanaag, waxa la siiyey digniin.
Yuusuf Cabdilaahi Cali oo ahaa ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, waxa la siiyey digniin kama dambays ah.
Cali Ismaaciil Muxumed oo ah Guddoomiyaha maxkamadda gobol/degmo Daadmadheedh, waxa la siiyey digniin kama damays ah.

Aqbalaad shaqo ka tagis.

1)- C/Risaaq Aadan Shugri, waxa laga aqbalay codsigiii shaqo ka tagista.

2)-Yaasiin Cumar X. Maxamuud waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista.

3)-Yuusuf Biixi Muxumed, waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista.

4)-Maxamed Jaamac Ibraahim waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista

5)-Cabdinajiib Muxumed Cali waxa laga aqbalay codsigii shaqo ka tagista.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker