Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Golaha Deegaanka U Soo Jeediyey Inay Si Hufan Ugu Shaqeeyaan Bulshada Xilli Ay Shacabka Reer Somaliland Ay Ka Rajo Dhigeen Golaha Deegaanka.

Hargeysa-(OWN)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  kormeeray xarunta D/Hoose ee Hargeysa, waxaanu u kuurgalay isla markaana booqday mashaariic kala gedisan oo D/Hoose ee Caasimadu ay fulisay.

Duqa Caasimada Hargeysa, ayaa madaxweyne Ku-xigeenka uga mahad-naqay kormeerka uu ugu tagey, waxaanu ka  hadlay mashaariicda maamul-daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG-ga, waxaanu Xukuumadda dhexe ka dalbaday inay kabana dhinaca dhaqaalaha si ay u daboolaan baahiyaha caasimadda oo aad badan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeerkaas ku weheliyey ayaa su’aalo la xidhiidha maamulka mashaariicda weydiiyey masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa.

Maayar ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa  ka hadlay mashaariicdii ay fuliyeen oo ay ka mid yihiin Waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarinta dab-demiska caasimada iyo maamul daadejinta maamulka Dawladda Hoose.

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in booqashadiisu ku wajahan tahay sidii xog ogaal ay ugu noqon lahaayeen mashaariicda laga fuliyey degmada Hargeysa ee ku jiray mashruuca JPLG-ga, waxaanu  Faray Golaha Deegaanka Caasimadda inay si hufan ugu shaqeeyaan bulshada isla markaana ay masuuliyad iska saaraan mashaariicda maamul-daadejinta ee ay gacanta ku hayaan.

Ugu dambayn , Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu  mid mid u booqday mashaariic ay fulisay dawladda Hoose ee Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker