Horu mar Fiican oo laga Gaadhay Xanuunka Covid19

Shirkadda Dawooyinka Pfizer ayaa sheegtay in tallaal lagaga  hortago cudurka COVID-19 oo ay middo ka shaqeyneysay uu wax ku ool yahay 90%, sida lagu ogaaday natiijada tijaabo horudhac ah.

 

Khubarada caafimaadka ayaa soo dhoweeyey guusha tallaalkan ee laga ogaaday kumanaan qof oo lagu tijaabiyey, waxayna ku macneeyeen mid hakin karta faafitaanka cudurkan. Si kastaba tallaalka ayaa u baahan inay mas’uuliyiintu ansixiyaan.

 

 

Pfizer iyo shirkadda ay wadaagga yihiin oo laga lee yahay dalka  Jarmalka ee BioNTech ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan helin  wax wallaacyo amni ah oo la xidhiidha tallaalkan, waxaana la filayaa inay ansixin ka raadiyaan dowladda Mareykanka.

 

 

Haddii loo ogolaado, labadan shirkadood ayaa qiyaasiya inay sanadkan diyaarin karaan 50 milyan oo dhibcood oo tallaaka ah, oo la siin karo 25 milyan oo qof, kadibna ay sanadkan 2021 soo saaraan 1.3 bilyan oo dhibcood.

 

 

“Maanta waa maalin u weyn sayniska iyo bani’aadannimada,” waxaa sidaas yidho Albert Bourla oo ah guddoomiyaha iyo madaxa fulinta shirkadda Pfizer.

 

 

Madaxa fulinta shirkadda BioNTech Ugur Sahin ayaa isna Reuters u sheegay in tallaaka marka qofka la siiyo uu shaqeyn karo illaa hal sano, inkasta oo aan taas la hubin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker