Hargeysa Oo Lagu Soo Bandhigay Buug Lagu Magacaabo FOOLAAD Oo Laga Qoray Maxamed Mooge Liibaan.

 

Waxa habeenkii xalay ahaa magaaladda Hargeysa lagu soo bandhigay buug laga qoray fanaankii weynaa ee Maxamed Mooge Liibaan oo lagu magacaabo Foolaad, waxaana munaasibadda lagu soo bandhigaayey buugaasi kasoo qayb galay marti Sharaf tiro badan.

 

Munaasibada Buuggan lagu soo bandhigaayey waxa kasoo qayb galay Siyaasiyiin, Abwaano,Aqoonyahan,qoraayo ,dhalinyaro,haween iyo marti Sharaf kale oo tiro badan.

 

Munaasibadda lagu soo bandhigaayey buuggan lagu magacaabo Foolaad eel aga qoray Mujaahid,Fanaan iyo Macalin Maxamed Mooge Liibaan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay qoraaga Buugga Cabdikariim Maxamuud (Xikmaawi),Aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac,Abwaan Maxamed Aadan Dacar , xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun,Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan),Siyaasi Nuuradiin Diini iyo marti Sharaf kale oo kamid ahaa bulshadii kasoo qayb gashay munaasibadan, waxaanay dhamaantood ka sheekeeyeen aqoontii ay  u lahaayeen iyo taariikhaha dhegi maqashayga ah ee ay ka hayaan Mujaahid Maxamed Mooge iyo sidoo kale shakhsiyadii  iyo sooyaalkii taariikheed ee kala duwanaa ee Maxamed Mooge Liibaan.

 

Waxa isna dhinaciisa halkaas ka hadlay Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo uu mujaahid Maxamed Mooge Liibaan adeerkii ahaa, waxaanu ka sheekeeyey taariikhda Al-Fanaan, Macalin iyo Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan AHN-tee,waxaanu tilmaamay in Mujaahid ,Alfanaan Maxamed Mooge Liibaan uu dhintay isaga oo Sinaansho,Cadaalad iyo nolol Soomaali oo dhan u raadinaaya iyo isaga oo ummada reer Somaliland madaxbanaani u raadinaaya.

 

Waxa iyaguna dhinacooda halkaas ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo tilmaamay in Maxamed Mooge Liibaan rabbi ha u naxariistee uu ahaa halgamaa taariikh weyn ku lahaa dhulka Soomaalidu degto iyo dhulka Somaliland.

 

wasiirka Arrimaha Gudaha jamhuuriyadda Somaliland Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyey taariikhdii iyo aqoontii ay isu lahaayeen Alle ha u naxariistee Mujaahid,Al-Fanaan  iyo macalin Maxamed Mooge Liibaan,waxaanu tilmaamay in Maxamed Mooge u dhintay nabadgelyadda iyo horumarka ay maanta dhalinyaradda reer Somaliland ku naaloonayaan,isaga oo intaas raaciyey in aan Maxamed Mooge lagu soo koobi karin in uu ahaa Macalin,Fanaan iyo Mujaahid ee uu ahaa shakhsi intaas ka balaadhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker