Maxaa Ka Jira in Ruushka Uu Saldhiga badda ee Sudan u wareejin doono Somaliland ?

Sudan ayaa shaacisay Salaasadii hore inay dib u eegis ku samaynayso heshiiskii saldhiga badda ahaa ee Ruushka, midaasi oo fursad cusub siin karta Somaliland, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay mareegta Modern Diplomacy.

Warbixinta MD ayaa waxaa lagu lafa-guray is beddel ku yimid qorshihii Ruushka uu Sudan kaga dhisanayey saldhig ciidamo badeed, kadib mad-madow soo kala dhex-galay labada, taasi oo keentay in Sudan ay shaaciso inay dib u eegis ku sameynayso heshiiskaas.

Suudaan ayaa qirtay in dib u eegis ku samaynayso heshiiskii sannadkii hore ee Ruushku kaga samaysan lahaa Suudaan saldhig badda ah, lagana yaabo in meesha laga saaro heshiiska.

Hogaanka Guud ee ciidamada talada haya, Maxamed Cismaan Xuseen ayaa shaaciyey arrinkaas, isaga oo la hadlaya Warbaahinta, “Dhukumantiyada heshiiska qaarkood ayaa halis toos ah u soo jiidaya Suudaan”.

Waxa uu sheegay in aan heshiiska sharci dajintu ansixin, islamarkaana uu heshiisku weli haysan sharci uu ku hawl-galo, wuxuuna beeniyey in go’aanka Sudan uu ku qotomo raali-gelinta Maraykanka, oo si weyn isku hayaan Ruushka.

Warbixinta mareegta ayaa waxaa diirada lagu saaray suurta-galnimada sareysa ee Ruushka uu qorshihiisa Sudan ugu wareejin doono Somaliland.

“Haddii’ba qorshaha Ruushka ee Sudan guul-darraysto, waxa hubaal ah in Ruushku ku qasbanyahay in uu aag baddasho weliba si dhakhso ah. Waxa aad loo odorosayaa in Ruushku daraaseyo faa’iidada iyo khasaaraha in uu saldhig lamid ah ka uu ka dhisan lahaa Sudan ka dhisto Somaliland. Horraantii sannadkii 2018 ayaa warar badan oo la isla dhex-marayay tilmaamayeen in Ruushku damacsanyahay in saldhig ka dhisto magaalo xeebeedda Saylac,” ayaa lagu yidhi warbixintaas.

Sidoo kale waxaa warbixintaas lagu xusay sida ay xiligan suuro-gal u ahayn waddamada gobolka oo Jabuuti ugu horrayso in Ruushku saldhig ka samaysto, maadama ay Jabuuti marti-galiso saldhigyo waaweyn oo caalami ah oo ay iska soo horjeedaan siyaasadda Ruushka.

Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay sida Ruushku dano siyaasadeed oo badan uga leedahay Itoobiya, Somaliland-na ay u tahay waddada u wanaagsan ee ku xidhaysa Itoobiya, uguna istiraatijisan ee gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker