Dil Loo Gaystay Aabo iyo Caruurtiisa Oo Ka Dhacay Gobolka Mudug
Weerar lagu dilay Aabe Xasan Diiriye Cilmi iyo afar caruur ah uu dhalay ayaa ka dhacay Duleedka Deegaanka Saax-qurun galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug , waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay wiil 8-sano jir ahaa.
Kooxda weerarka geesatay ayaa rasaas culus ku furay qoyskaan kadibna goobta ka baxsaday, wali lama oga kooxdii falkaasi dilka ah ka dambeesay, waxaana loo maleenayaa in falkan salka ku hayo aano qabiil.
Ciidamada amaanka ee ka howlga gobolka Mudug ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxdii ka dambeesay dilka dadkan isku qoyska ah loo geystay, waxa ayna saraakiisha ciidamada ku hanjabeen in kooxdaasi talaabo ka qaadi doonaan.
Gobolka Mudug deegaano katirsan ayaa marar badan waxaa kusoo noqday dilal iyo dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil, dilalkaasi ayaana deegaanada qaar ka abuuray in dadka isaga barakacaan cabsi owgeede.