Telesom Oo Ceerigabo 12 Saacadood Hawada Kamaqan Iyo Bulshada Oo Isweydiinaysa.

 

 

Ceerigaabo(OWN) Tan iyo subaxnimadii saaka waxa magaalada Ceerigaabo hawada ka maqan Ateenka Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, arrintan oo noqotay mid ilaa manta bulshadu hadal hayso sababta shirkaddu khadka uga baxday.

 

Wararka laysla dhexmaryo ayaa sheegaya inay jiran cillado isgaadhsiineed oo soo foodsaary shirkaddaas sidaas awgeedna ay khadka uga baxday halka wararka qaarkoodna dheegayaan in degaanno gobolka Sanaag ah oo colaado kasoo cusboonaadeen si aan laysugu gurman awgeed shirkaddu bulshada uga xidhay inay gebi ahaanba wada hadli karaan.

 

Sikasbata ha ahaatee marka laga reebo in cillado farsamo oo shirkaddan lasoo desey ay jiraan xataa haddii ujeeddada shirkaddu hawada uga maqan tahay ay tahay xakamayn colaado jira awgeed taasi waxay u muuqataa mid aan waxba ka tarayn sababtoo ah cidda dagaallamaysaa markeeda horeba way ka diyaar garoobaysaa in ay u waxyeelloobi karto ateenada oo tagta ama ay wada hadli kari waayaan iwm.

 

Waxana bulshada Reer Ceerigaabo hadal hayntooda ugu bada ni tahay in loo baahan yahay shirkad isgaadhsiineed oo bulshada u geli karta kaalintii ay ugu jirtey Telesom oo beryahan danbe u muuqata shirkad aan siyaasad ka madax bannaanayn.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker