War-Deg Deg Ah:-Golaha Guurtida Somaliland Oo Ku Dhawaaqdey In La Gubo Buuga Uu Qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Guri Barwaaqo.

Hargaysa-(OWN)-Gudi uu  gudoomiyaha Golaha guurtida Somalilan du saarey inay xal ka keenaan cabasho ay qaar ka mid ah haweenka Somaliland ka gudbiyeen Buug uu qoray wasiirka Warfaafinta Somaliland  Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa maanta arintaasi go,aan ka soo saarey

Guddidan oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Sul. Ismaciil ayaa waxaa uu iminka si rasmi ah ugu dhawaaqey in guddidii guurtidu ay go,aamisay in gabi ahaan-ba buugaas la gubo .

Dhawaan ayey aheyd markii haweenka Somaliland qaar ka mid ahi ay cabasho ka dhan ah buuga uu qoray wasiir Guri barwaaqo ay u gudbiyeen golaha guurtida Somaliland

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker