Xildhibaan Iska Casilay Golaha Guurtida Somaliland.

Xildhibaannada Golaha Guurtida Jsl ayaa cod gacan taag ah kaga aqbalay iscasilaad uu golaha u soo gudbiyay xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi, kaasoo dhawaan maxkamadda sare ee Somaliland u dhaarisay inuu buuxiyo jagadii uu banneeyay marxuun Axmed Xaashi Cabdi.

Fadhigan maanta oo uu shir guddoominaaayay guddoomiyeenka kowaad ee golaha guurtida Jsl Siciid Jaamac Cali ayaa waxa golaha ku sugnaa 47 xildhibaan, cod loo qaaday iscasilaadda xildhibaankaasi, waxa ogolaaday 44 mudane, waxa diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay 1 mudane, iyadoo aanu guddoomiyihuna codayn.

Sidaasna waxa golaha guurtidu ay kaga aqbaleen iscasilaaddii uu soo gudbiyay xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi.

Geesta kale, golaha guurtida Somaliland waxay ka doodeen qodobka arrimaha bulshada oo ka mid ah ajandaha kalfadhigooda 75aad oo qodobadiisa ku guda jiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker