Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo maalintii afaraad galay
Waxaa maalintii afaraad galay dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool iyada oo magaalada laga maqlaya hubka ay iswaydaarsanayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamayay halkaasi.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ay magaalada ka goeen biyihii ka dib markii goobtii keydka biyaha ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, xilli inta badan dadkii magaalada deganaa ay halkaasi ak qaxeen.
Dadka qaar ee ku sugan magaalada ayaa sheegay in waxyeello ay ka dhalatay rasaasta wiiftada ah ee ka imaaneyso goobaha uu dagaalka ka socdo.