Wasiirka Macdanta Somaliland oo Socdaal shaqo ku jooga dalka Yugaandha iyo Waxyaahaba La Filayo inay ka wada hadlaan
Kampala(OWN);- Waxaa in Dhawaaleba socday Xidhiidhka ay Dawladda Somaliland Rabto inay la Samayso Wadamada Qaaradda Africa , iyadoo uu uga dambeeyay Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo Safar shaqo ku jooga dalka Ugaandha ayaa kulan la yeeshay Wasiiru-dawlaha Tamarta ee Ugaandha.
Wasiirka Tamarta Mudane Jaamac oo kulankiisa uu ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Macdanta Cumar Yuusuf Cumar ayaa la sheegay inuu ku saabsanyahay indho-indhaynta nidaamka Macdan qodista dalka Ugaandha.
Wasiiru-dawlaha Macdanta ee dalka Ugaandha Hon. D’ujanga Simon oo Xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga Somaliland ayay labada dhinac kaga wada hadleen sidii iskaashi wada shaqeyneed u wada yeelan lahaayeen labada dal iyo sida ugu habboon ee looga wada faa’iidaysan karo Macdanta.
Yugaandha ayaa U muuqata mid u Heelan inay Cilaaqaad fiican la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland
Wefdiga Wasiirka Macdanta Md Jaamac ayaa sidoo kale tegay degmada Kasulo oo masaafo dhan 170 KM ka xigta dhinaca Koonfur-galbeed Caasimada Kampala oo ah deegaan ku caan ah hawlaha Macdan-qodista, gaar ahaan goobta loo yaqaan Nemuro World Farm Mine oo macdanta Tungsten laga qodayey illaa sannadkii 1950-kii.
Qalinkii Suxufi Sinyoore