Dawlada Qatar ayaa Xaqiijisay Qofkii ugu Horeeyay ee u dhinta Xanuunka Coronavirus iyo Tirada oo kordhaysa

Dawlada Qatar oo ayaa Diiwaangalisay Qofkii Ugu Horreeyay ee u Dhinta Cudurka Coronavirus.

Wasaarada Caafimaadka Dalkaasi ayaa Sheegtay inuu kordhay Kiisaska Coronavirus ilaa  Waxaanuu ahaa  28  isla markaan kor u kac ayaa gaadhay 590 kiis.

 

 

sida aya Shaacisay Wakaalada Wararka ee AFP , Waxaa Xanuunka U Geeriyooday 57 jir u dhashay Dalka Banglesh oo Deganaa Qatar

 

Gudida la Dagaalanka Xanuunka Coronvirus ayaa soo Rogay Amaro lagaga hortegayo Xanuunkan ,Waxaa Albaabada laysugu dhuftay Goobihii Kafaysga, Dukaamadii adeega, waxaa kaloo ay saamaysay Xayiraadu ,Famasiiyadii iyo dhamaanba Booshariyada.waxaa kaloo la Yareeyay Saacadaha Shaqada, Waxaana wakhtiga lagu saleeayay in la Shaqaynkaro oo qudha  6:00 Subaxnimo Ilaa 7:00 Makhtibka ee saacada Dalkaasi.

 

Bishan Horaanteed waxay Gudidada La dagaalanka CORONAVIRUS xadideen Meesha ugu Saxmada badan dalkaasi oo ah Koonfur galbeed ee Caasimada Dooha Halkaasi oo ay ku Yaallaan Warshadaha ugu badan ee wadankaasi.

 

Dalkan yar ee Qaniga ah isla markaana ka mida wadama Khaliijka ayaa ah Wadan aanu wali si wayn u Aafaynin Xanuunka Corona waxaana ka Dhibaato badan oo Xanuunku haleelay wadamada Sacuudi carabiya iyo Emirate-ka carabta ee Midoobay,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker