Gabadhii La Sheegay Inay 10 Caruura Mar Kaliya Dhashay Oo Beenawday

Dowladda South Afrika ayaa sheegtay in Gosiame Sithole, oo ah “hooyada” la sheegay in ay dhashay mataane 10 ah, aanay  weligeed uur yeelanin.

Maamulka Gobolka Gauteng waxay sheegeen in ay sameeyeen baaritaan baaxad wayn, ayna ogaadeen in aanuu  jirin isbitaal dad-wayne iyo mid gaar ahba, oo haya diiwaanka carruurtaas la sheegay.

Maamulkaas wuxuu tilmaamay in ay ugu dambeyn soo beeniyeen sheegashadii ahayd in “10 canug oo mataano ah dhasheen”.

Qoraal ka soo baxay maamulka Caafimaadka, waxaa lagu sheegay in la ogaaday in Gosiame Sithole aanay dhalin wax carruur ah, weligeedna aysan uurba yeelanin.

Qoraalka laguma sheegin in ay jiraan sababo ku qasbay haweeneyda in ay warkan faafiso, laakiin waxaa la caddeeyay in loo sameynayo daweyn dhanka maskaxda ah iyo taageero guud.

Weriyihii billaabay warkan ee sii faafiyay, Piet Rampedi, ayaa hadda wajahaya xaalado adag – Maamulka Gobolka wuxuu amray in dacwad sharci ah lagu oogo weriyahaas.

Rampedi waa saxafiga qoray warbixinno badan oo uu ku sheegay in Sithole ay dhashay 10-canug oo mataane ah, ayna jebisay rikoorkii caalamka.

Waxaa wararkaas sii qaatay warbaahinta caalamka, oo daafaha dunida ku sii faafiyay. Waxaana bilowday ololeyaal tabarrucaad loogu uruuriyay lamaanahaas.

Balse, shakiga wuxuu bilowday markii Rampedi uu keeni waayay magaca isbitaalka ay “carruurta ku dhasheen”. Isbitaallada gobolkaas ayaana beeniyay in haweeneydaas ay xaruntooda ku dhashay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker