Maraykanka oo duqaymo la dhacay saldhigyo ay leedahay Iran

Maraykanka ayaa duqaymo ku garaacay laba baqaar oo ay rasaas iyo hub ugu kayd sanaayeen dawladda Iran kuwaas oo ku yalay gudaha Siiriya.

Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqayntaan ay jawaab u ahayd weerar ay kooxaha ay taageerto Iran ku qaadeen saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq iyo Siiriya

Duqaynta Maraykanka ayaan “wax ku lug lahayn dagaalka haaan socda iyo Israa’iil iyo Xamaas”, sida lagu sheegay war soo baxay.

Iran ayaa dhaqso uga ka hadlin arrintaan.

Waxaan wali la ogayn in qasaare nafeed uu ka dhashay duqayntaan iyo in kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker